Wafdi uu hoggaaminayay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdi Casiis Xasan Maxamed (laftagareen) ayaa Maanta waxaa uu gaaray degmada Waajid ee Gobolka Bakool, tan iyo markii la doortay.
Madaxweyne lafta gareen iyo wafdigiisa oo maanta ka ambabaxay Magaalada Baydhabo ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha waajid kusoo dhaweeyey Xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan koonfur Galbeed oo shalay gaaray degmada Waajid ee gobolka Bakool
Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa degmada Waajid waxaa uu u tagay sidii uu u soo indho idheyn lahaa xaalada dadka ku nool degmadaas iyo baahiyaha kala duwan oo ay qabaan maadaama degmadaasi mudo dhowr sano ah ay u go’doonsan tahay Al-Shabaab.
Ammaanka degmada Waajid ayaa maanta aad loo adkeeyay , iyadoona wadooyinka lagu arkayo ciidamo aad u fara badan, kuwaasi oo suga amniga wafdiga Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.


