Somali News

Lafta Gareen oo sheegay waqtiga dib loo furi doono iskuuladkan ku yaala deegaanada Maamulkaasi.

Cabdi Casiis xasan Maxamed (laftagareen) Madaxweynaha maamulka  Koonfur Galbeed oo ku sugan degmada Xudur ee gobolka Bakool ayaa waxaa uu ka hadlay caqabadaha waxbarasho ee xiligan ka jira deegaanada ka tirsan Koofur Galbeed Somalia.

Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed ayaa sheegay in deegaannada Koonfur Galbeed gaar ahaan degmada Xudur heerkeeda wax barasho ay aad u liidato.

Sidoo kale Madaxweyne laftagareen ayaa  waxaa uu sheegay in Bisha July ee soo socota dib loo furi doono Iskuulada ku yaalla deegaanada Koonfur Galbeed,kuwaas oo loo xiray sababo la xiriira COVID-19, si loo bilaabo qaadista Imtixaanaadka Fasalka Sideedaad.