Somali News

Lafta-Gareen oo soo bandhigay qorshahooda ku aadan deegaanada laga xoreeya Shabaab ee Sh/Hoose

Muqdisho-KNN-Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen oo khudbad ka jeediyay shirkii madasha Iskaashiga Soomaaliya ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin amniga dalka iyo qorshaha Al-Shabaab looga xoreynayo deegaanada uu ka arimiyo maamulka Koonfur Galbeed.

Deegaanada gobolka Shabeellada Hoose ee laga xoreeyay Al-Shabaab ayuu sheegay in ay u diyaariyeen ciidamo booliis ah oo la wareegi doona sugidda amnigooda, kuwaas oo uu tiradooda ku sheegay 400 oo askari.

Wadada isku xirta Muqdisho iyo magaalada Baydhabo oo xarun ku maal gaara u ah maamulkiisa ayuu sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay iskugu furayaan, sidoo kale dhamaan wadooyinka u xiran Al-Shabaab ayuu sheegay in sidii la iskugu furi lahaa ay kaga faaiideysa doonaan qorshaha amniga oo uu sheegay in ay dajisay dowladda dhexe.

Halkaan ka Daawo:-