Somali News

Lafta Gareen oo u tacsiyeeyay saraakiil lagu dilay Bay

Baydhabo-KNN-Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed Llafta-gareen ayaa ka hadlay qarax shalay ka dhacay degmada Bardaale ee Gobolka Bay, kaasi oo Askar iyo saraakiil ka tirsan maamulkaas uu ka soo gaaray khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Shir Jaraa’id uu ku qabtay Xafiiskiisa ayaa waxaa uu ka tacsiyadeeyey dadkii ku dhintay qaraxaas oo uu ka mid yahay Kabtan Falar Liibaan Nuurow oo Kamid ahaa Golaha Deegaanka Degmada Berdaale sidoo kale ahaa Sarkaal katirsan Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed.

Ciidamada Mamulka Koonfur Galbeed iyo mas’uuliyiinta Maamulada degmoyinka Koonfur Galbeed ayuu ugu baaqay inay ka tigtoonaadaan weerarada kaga imaanaya dhinaca Al-Shabaab,waxaana Shacabka uu ka dalbaday inay dhankooda Ciidamada la Shaqeeyaan.