Uncategorized

Lataliyaha Amniga Qaranka Madaxweynaha Soomaaliya oo la Magacaabay

Muqdisho–KNN–CabdiSaciid Muse Cali oo ah Aqoonyahan ayaa loo magacaabay La Taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha, kaddib wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne Farmaajo.

Ergeyga gaarka ah ee QM  Micheal Keating ayaa markii la Magacaabay la taliyaha wuxuu Bartiisa Twitter-ka ku soo qoray Magacaabista Lataliyaha Amniga Qaranka Madaxweynaha Soomaaliya.

Cabdi saciid Muuse Cali ayaa  horay u ahaa  Wakiilka gaarka ah ee Midowga Yurub ee Geeska Afrika, sidoo kale waxa uu ka soo shaqeeyay IGAD iyo meelo kale.

Cabdi Saciid ayaa dowladdii TFG-da ee lagu soo dhisay dalka Kenya sanadkii 2004, waxaa uu ahaa La taliye dhinaca farsamada, waxaa uu sidoo kale dowladda uu isku xire uu ka ahaa hey’ado badan oo caalami ah.

Mr CabdiSaciid ayaa ku dhashay magaalada Jowhar  ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaa uu ku hadlaa luqadaha English, Talyaaniga, Jarmalka, iyo Dutch.