Somali News

Layrka cadceedda ku shaqeeya ee Baladweeyne oo laqarxiyay

Baladweeyne-KNN- Layrka cadkeedda ku shaqeeya ee Magaalada Baladweeyne ayaa la qarxiyay kadib markii lagu xiray aaladaha qarxa, sidaas goobjooge yaal ayaa u xaqiijiyay Radio kulmiye.

Tiradda layrka la qarxiyay ayaa lagu sheegay Sadax, lamina ogga cidda ka dambeeysa qaraxyadda lagu xiray biraha layrka.

Masuuliyiinta Maamulka Gobolka Hiraan iyo baladweeyne midkoodna wali lama aysan hadlinWarbahinta.

Al-shabaab oo fuliya inta badan Qaraxyadda goboladda dalka ka dhaca ma aysan sheegan masuuliyadda Qaraxyadda Baladweeyne.