Sports

Lazio oo ku wargalisay kooxaha doonaya ciyaaryahankeeda Savic qiimaha ay ku doonayso.

Muqdisho-KNN-Kooxda SS Lazio ayaa u sheegtay kooxaha doonaya ciyaaryahankeda qadka dhaxe Sergej Milinkovic Savic inaybixiyaan 100 milyan oo ginni.

Xiddiga khadka dhexe ayaa lala xiriirinayay  kooxagaha magaalada Manchester kawada dhisan  Manchester United iyo Manchester City  kuwaas oo si isku mida uwada xiiseenayaa adeega xidagan.

Sida laga soo xigtay wargeyska Corriere dello Sport, Lazio ayaa diyaar u ah inay iska iibiso 23 jirkaan, lakiin waxa ay doonasaa inuu ku biiro kooxda heysata 100 milyan oo ginni.

Wargeyska ayaa intaa ku daray in kooxda Serie A aysan ku qanacsaneyn qiimo kayar lactaasi, oo aysan diyaar u aheyn inay dhageysato dalabyada ka hooseeya qiimaha lacagtaas 100 malyan ah, xidigan ayaa  Lazio bandhig wanaagsan kasameenaya xagaagan.

Xilli ciyaareedkan, Milinkovic-Savic ayaa 37 kulan u saftay tartamada oo dhan, isagoo dhaliyey 11 gool isla markaana abuuray sameeyay afar caawin.

by Aadam yusuf ahmed aqyaar