Somali News

Libya: Xabaal wadareed laga helay dhulka uu maamulo Khaliifa Haftar

Tripoli-KNN-Meydadka 17-qof ayaa laga soo saaray xabaal wadareed laga helay gudaha dalka Libya.

Dadkan ayaa meydadkooda laga helay gobolka ku yaalla galbeedka dalka Libya.

Sida ay wararku sheegayaan in mudo ah ayaa la weesanaa dadkaas raq iyo ruux toona.

Halka laga helay xabaal wadareedkaas ayaa qeyb ka ah dhulka uu dalka Libya ka maamulo Jeneral Khaliifa Xaftar.

Sarkaalka awooda badan ee Khaliifa Xaftar ayaa dagaal adag kula jira dowladda uu caalamku aqoonsanyahay ee Libya.