Sports

Liverpool ayaa qarka u saaran inay lasoo saxiixato xiddiga khadka dhexe ee kooxda RB Leipzig Naby Keita.

Muqdisho-KNN-Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inay heshiis la gaartay  goor sii horaysay ciyaaryahanka RB Leipzig, Naby Keita kaas oo qandaraaska uu kula joogo kooxda Bundesliga soo idleen doono.

Xagaagii lasoo dhaafay ayay heshiis la gaartay kooxda Liverpool ciyaaryahan Keita si uu ugu biiro Anfield ka hor xilli ciyaareedka 2018-19 ka dib markii uu kooxda ka caawiyay inay ku soo baxaan Champions League markii ugu horeysay taariikhdooda xagaagii lasoo dhaafay.

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay Sky Sports News, shuruudaha maaliyadeed lama soo gabagabeyn, waxaana keliya oo go’aan ka gaaraya sida RB Leipzig uu ugu ciyaari karo horyaalka Germany xilli cciyaareedkan.

Koox RB Leipzig ayaa laga yaabaa inay ku dhameysto boos kasta oo u dhaxeysa kaalinta labaad iyo kaalinta 11aad, halka booska afaraad  haday ku dhameesato uu keeni doono Liverpool inay bixiso lacag  £59m.

Si kastaba ha ahaatee, dhammaadka xilli ciyaareedkan ayaa laga yaabaa inuu usoo baqoolo gagada Anfil, booska shanaad ama lixaad haday ku dhameesato halkaasoo ay haatan fadhiyaan – waxay keeni kartaa inay hoos u dhigto  qiimaha xidiga. £52.75m, halka kaalamaha ka hooseesa Todobaad la arki arki doono Liverpool oo ku qarashgareysa £48m.

Keita ayaa lix gool u dhaliyay kooxdiis  shana caawiye ka ahaa 25ka kulan ee horyaalka Bundesliga xilli ciyaareedkan.

Qalinkii Aadam Aqyaar.