Sports

Liverpool oo iska diiday dalab uga yimid kooxda Real Madrid kaas oo ay ku doonayaan Mohamed Salah

Muqdisho-KNN-Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inay u sheegtay Real Madrid inaysan iibin doonin Mohamed Salah xagaaga soo aadan, iyadoo warar soo baxaya ay sheegayaan in kooxda reer Spain ay dooneyso inay lacag rikoor ah ku doonayso xidigan.

Salah ayaa kusoo bandhigay bandhig wanagsn Reds tan iyo markii uu kaga soo biiray Roma xagaagii lasoo dhaafay, isagoo ka dhaliyay kooxdiidii hore labo gool kulankii lugta hore ee semi-finalka Champions League.

Xidigan Qaab ciyaareedkiisa wanagsnayahy ayaay xiiseynaysa koox ka dhisan Madrid, kuwaasoo la filayo inay si weyn u cusbooneysiiyaan ciyaartoydooda xagaaga soo aadan, inkastoo qiimaha Salah uu sii kordhayo xilli ciyaareedka soo socdo.

Waxaa la fahamsan yahay inay ku dalban doonto ugu yaraan £200 milyan oo gini si ay Liverpool ugasoo wareegto xidagan, iyagoo barbareenaya lacagihii ay Paris Saint-Germain ku bixisay Neymar sannadkii hore.

Si kastaba ha ahaatee, Daily Mail ayaa sheegeysa in Liverpool ay diiday lacagta rikoorka adduunka ee Madrid ku doonayso.

Xiddiga cusub ee haysta abaalmarinta PFA ee sannadka ayaa weli afar sanno ka hartay qandaraaskiisa £90,000-toddobaadkii oo uu ku qaadanayo Liverpool, Reds ayaana la fahamsan yahay inay dib u eegi doonto shuruudahaas ka dib qaab ciyaareedka gooldhalinta Salah.

Qalknkii:Aadam aqyaar