Muqdishu-KNN-Xalay waxaa la cayaaray lugta labaad ee wareegga Afar dhamaadka ee Champions Leuge-ga, waxaana lagu caayaray groonka kooxda kubadda Rome ee dalka talyaaniga ka dhisan.
Cayaartii xalay ayaa waxaa ku lamaansanaa cabsi xoogan madaama kooxda Rome ey wareeggii Sideed dhamaadka ey kusoo reebtay camaaliqada ree Spain ee Barcelona.
Dhanka kale waxaa kasoo dagaalamay kooxda Liverpool oo wadata weeraryahanna ugu wanaagsan xilli cayaareedkan markii la isku soo wada xooriyo weeraryahanada ka xammaasha horyaallada Yurub.
Sagaashankii daqiiqo ee cayaarta waxaa libinta sare wadatay kooxda Rome oo gurideedu uu noqday mid kamid garoomada loogu cabsida badanyahay madaama kal hore lagu xasuuqay kooxda Barcelona.
Weeraryanahada Liverpool ayaa dadaal badan muujiyay inkasta oo Maxamed Saalax uusan ufirfircooneyn sidii hore cayaartii xalay.
cayaartu waxa ey kusoo dhamaatay 4-2 gool oo ay ku badisay AS Rome, lugtii hore ee Anfield waxaa 5-2 ku badisay Liverpool, taa oo keentay in labadan lugood ay noqdaan mid kamid cayaarihii ugu badnaa goolal la iska dhaliyo, waxayna Liverpool kusoo baxday 6-7, taa oo ka dhigan wadar ahaan labada kooxood in ay iska dhaliyeen 13 gool.
Ugu dambeeyntii waxaa usoo baxay cayaarta kama dambeesta horyaalka , guuleestayaasha yurub kooxaha Liverpool iyo Realmadrid oo cayaartoodu ay ka dhici doonto magaalada Kiev ee xarunta Ukraine.