Sports

Liverpool oo u dhaqaaqaysa helida goolhaye Alisson.

Muqdisho-KNN-Agaasiimaha kooxda Roma James Pallotta ayaa ka hadlay arinta lala  xiriirinayo wiilka kooxda roma shabaqa u ilaaliyo Alisson inuu ka dhaqaaqayo kooxda iyadoo  ciyaaryahankan kooxo waawayn ay xiiseenayaan.

“Ma ahan ujeed keenu inaan iibino xidigeena goolka noo qabta” Agaasimaha Roma ayaa saxaafada u sheegay.

 Xidigan xulka Brazil u dhashay ayaa lala xiriirinayaa inuu xagaga soo aadan kadhaqaaqayo masraxa Roma ay ku ciyaarto, iyadoo kooxo waawayn adeega xidigan ay xiiseenayaan.

 “ma aqaan sababta ay ii waydiinayaan dadku xagaaga danbe masii haysanaysiin alisson? waxay wax walba kala cadaan doonaan xagaagan markuu idlaado”ayuu pallotta warkiisa kusoo gabagabeeyay.

25jirkaan shabaqa u ilaaliya Roma Allison ayaa xiisaha ay u hayso kooxda Liverpool ay tahy mid isasoo tarayasa xagaaga soo aadan ayay qorshaynaysa inay keento garoonkeeda Anfil.

Qalinki Aadam Aqyaar