Sports

Lix kooxood oo u tartamaya helida ciyaaryahan Marouane Fellaini.

Muqdisho-KNN-Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester United Marouane Fellaini ayaa la rumeysan yahay inuu diirada u saaran yahay lix kooxood xidigan oo aan la hubin mustaqbalkiisa Old Trafford.

30 jirkaan ayaa lagu soo waramayaa inuu go’aansaday inuu ka tago United xagaagan markuu idlaado, isagoo diiday inuu qandaraaska u cusbooneysiiyo inkastoo Jose Mourinho uu doonayo inuu sii joogo kooxdiisa.

Qandaraaska Fellaini ee Red Devils ayaa dhacaya dhamaadka xilli ciyaareedkan, taasoo u ogolaaneysa inuu ka tago Untid si xor ah.

Sida laga soo xigtay The Mirror, ciyaaryahanka reer Belgium ayay wada daneenaya adeegiisa kooxaha Paris Saint-Germain, Juventus, Monaco, Besiktas, West Ham United iyo Leicester City.

Fellaini ayaa United joogay tan iyo markii uu ka yimid Everton 2013, waxaana uuna 154 kulan u saftay Red Devils tartamada oo dhan.

Qalinkii Aadam Aqyaar