Somali News

Loolanka Qatar iyo Sucuudiga ee Soomaaliya iyo aqoonsiga baasaboorka Somaliland.

Muqdisho-KNN-Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dawladda Sucuudiga ay toos ah u aqbashay baasaboorka Somaliland, kaas oo aan laga aqoonsanayn ama aan loogu safri karin dalalka caalamka.

Warbaahinta caalamka ayaa siyaabo kala duwan wax ug qortay arrinta Soomaaliya iyo dalalka loolanka ugu jira ,kuwaas oo ay ka mid yihiin Qatar iyo Sucuudiga.

Wargeyska Daily Sabah ee kasoo baxa dalka Turkiga,ayaa wax ka qoray  danaha ay dowladahaas ka leeyihiin Soomaaliya iyo loolanka ay ugu jiraan.

Wargeyska ayaa  sheegay in Sacuudiga uu si weyn uga soo horjeeda xiriirka ka dhexeeya Qatar iyo Soomaaliya, isagoo taas ka duulayana uu aqoonsaday baasaboorka Somaliland.

Sanadkan gudihiisa ayuu Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo xubno ka tirsan xukuumaddiisa, kuwaas oo Sucuudiga ugu dhoofay baasaboor ay leedahay Somaliland, kaddib casuumaad uu ka helay boqorka Sucuudiga.

Arrintan ayaana u muuqata mid uu Sacuudigu ku dhabar jebinayo dawladda Qatar oo xiriir dhaw la leh Soomaaliya

Waxaana ay arrintan kusoo aadaysaa xilli ay dawladda Soomaaliya ay u ogolaatay dawladda Qatar in ay maalgeliso Soomaaliya,waxaana hadda ay waddaa Qatar dhismaha Dekedda Hobyo