Somali News

lubnaan oo dalalka carabta ugu baaqday in ay taageero u fidiyaan dadkooda

Ra’iisul wasaaraha dalka Lubnaan Najib Mikati ayaa ugu baaqay dalalka Carabta in ay taageero u fidiyaan dalkiisa oo ay ka jirto dhaqaale xumo baahsan.

Mikati oo ka hadlayay ka dib kulan casho ah oo wasiirada arrimaha dibadda Carabta loogu sameeyay caasimadda Beirut, ayuu Mikati sheegay in Lubnaan ay ka go’an tahay in ay iska fogeyso khilaaf kasta oo Carabta ah.

Waxa uu ugu baaqay “Wadamada Carabta, gaar ahaan dalalka Golaha Iskaashiga Khaliijka (GCC) inay taageeraan Lubnaan xilligan xasaasiga ah.”

Mikati waxa uu ku celiyay sida ay Lubnaan uga go’an tahay in ay fuliso dhammaan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo qaraarada Jaamacadda Carabta “hab lagu xoojinayo siyaasadda ka go’ida khilaaf kasta oo Carab ah”.

Beirut ayaa martigelinaysa shir ay yeelanayaan wasiirada arrimaha dibadda Carabta sabtidii si ay uga wada hadlaan ajandayaasha shir madaxeedka Carbeed ee ka dhici doona Algeria bisha November.

Tan iyo dabayaaqadii 2019, Lubnaan waxa ay la daalaa dhacaysay dhibaato dhaqaale oo aad u daran, oo ay ku jirto qiimo dhac weyn oo lacagta ah iyo sidoo kale shidaal iyo gabaabsi dhanka adeegyadda caafimaadka ah.