Sports

Luka Modric oo u dhaqaaqi kara Inter Sabab?

Muqdisho-KNN-Wakiilka ciyaaryahan Luka Modric Marko Naletilic ayaa ku celiyay in ciyaaryahanka khadka dhexe ee Real Madrid inuu isha ku hayo inuu u dhaqaaqo Inter Milan, halkaasoo uu rajeynayo inuu noqdo xidig kamjda kooxda Inter.

Xidigan qaranka Croatia ayaa ku haminaya inuu aaado horyaalka Serie A xilli ciyaareedkan ka dib lix xilli ciyaareed oo guulo ah oo uu ku qaatay caasimada Spain.

Tababaraha kooxda Inter Luciano Spalletti ayaa qiray in kooxdiisu ay sugayso heshiis la isku afgarto, xili madrid ay ku doonayso qiimo dhan £670m taas oo aan maquul ahyn.

Natalilic ayaa rajeynaya inuu xidigiisa ku darsado saaxiibkiisii ​​hore ee Cristiano Ronaldo isagoo u duulaya kubada Talyaaniga .

“Sabab kasta oo ay tahay, Modric waxa uu doonayaa inuu noqdo xiddig Serie A ka ciyaara una dheela kooxda Inter Milan,” ayuu u sheegay Tuttosport wakiilka xidigan

“Waxaan aaminsanahay in Luka uu ka ciyaari doono Italy, sida ciyaaryahano badan oo reer Croatia ah oo ay saaxiibo yihiin, waxaa soo laabanaya daawashada kubada cagta Talyaaniga.

“Xaqiiqda dhabta ah waxaa gacan siinayaa Inter Milan isku daygeeda inay la soo wareegto Modric,waxaana siinayaa tixgelin saameynta Cristiano Ronaldo kubada cagta Talyaaniga ayuuna qayb ka noqon doono Modric.”

Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay u dhaqaaqday kubad sameeyaha Tottenham Hotspur Christian Eriksen haddii Modric uu ku qasbanado inuu ka baxo Bernabeu.