Somali News

M/dowlad goboleedyada dalka oo la filayo in saacadaha soo socda ay magacaabaan xubnihii dib loogu celiyay ee guddiyada doorashooyinka.

Waxaa saacadaha soo socda la filayaa in la shaaciyo liiska 40 Qof ee  cusub ee guddiga doorashada, kuwaasi oo badali doona 40 kii Qof ee laga badaley Guddiga Doorashooyinka ee muranka badan dhaliyay.

Magacyada xubnaha la magacaabi doono ayaa u badnaan doono taageerayaasha madaxweyne Farmaajo iyo xubno tirsan sirdoonka Soomaaliya.

Guddiga uu Ra’iisul wasaraaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa guddi kala saara u magacaabay guddiyadii doorashada ee hore loo magacaabay kuwaas oo cabasho ay ka muujiyeen saamileyda siyaasada.

Guddiga ayaa dhawaan waxay 34 xubnood oo kamid ah kuwii laga muujiyey cabashada kuwaas oo lagu eedeeyey iney ka tirsan yihiin xafiiska madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday, Ra’iisulwasaaraha XFS iyo sirdoonka qaran.

Siyaasiga Cabdiraxmaan C/shakuur Warsame oo dhankiisa ka hadlay 34 xubnood markii ay shaaciyeen guddiga uu magacaabay RW Rooble ayaa waxa uu sheegay in weli ay guddiyada uu muranka ka taagnaa ay wali ku jiraan xubno ka tirsan Nabad sugida kuwaas oo uu sheegay iney si xoog ah ugu jiraan.