Somali News

M.Farmaajo oo ka qayb galaya shirka xisbiga AK Part

Muqdisho-KNN-Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo booqasho ku jooga Turkiga ayaa waxaa lagu wadaa maanta in uu ka qayb galo shirka xibsiga AK Part oo ah xisbiga hogaamiya Turkiga.

Shirkan oo madaxda ugu sareysa Turkiga ay ka qayb gali doonaan, ayaa waxaa la filayaa in madaxweyne Farmaajo uu ka jeediyo qudbad dhinacyo badan taaban doonta.

Safarka madaxweynaha ee Turkiga ayaa waxa uu kusoo aadayaa iyada oo khilaaf xoogan oo dhaqaalaha caalamka saameyn ku yeeshay uu u dhaxeeyo Turkiga iyo Maraykanka.