Casmara-KNN-Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta magaalada Casmara waxa uu kula kulmay guddoomiyaha jabhadda ONLF Maxamed Cumar, waxa ayna kawada hadleen sidii ONLF ay uga qayb qaadan laheyd isbadalka gobolka ka jira.
Madaxweyne Farmaajo ayaa ku bogaadiyay guddoomiye Cumar sidii ay qayba uga yihiin isbadalka Itoobiya ka socda.
Xukuumadda Soomaaliya ayaa dhawr bilood ka hor ONLF waxa ay ku dartay liiska argagaxisada, xilligaan waxaa meel sare marayay buuq ka dhashay dhiibitsii Qalbidhagax.