Kismaayo-KNN-War murtiyeed ka soo baxay Madasha dawlad gobaleedyada Soomaaliya oo maalmahan ku shirsanaa magaalada Kismaayo ayaa ku dhawaqay in ay hakiyeen dhamaan wada shaqeyntii ay la lahayeen dawladda Faderaalka Soomaaliya.
Maamul gobaleedya ayaa waxaa ay sheegeen in wadada kaliya ay ku wada shaqeyn karaan dowlada dhexe in ay tahay in dowlada dhexe ay joojiso faragelinta maamul goboleedyadda,iyo in la helo Heshiis Damaanad leh oo lagu wada shaqeyn karo.
Sidoo kale golaha iskaashiga Dowlad gobaleedyada ayaa waxaa ay sheegeen in dowlada dhexe ay ka quustay in ay meel mariso heshiisyadii iyo ballamadii horay loo galay,taasi bedelkeeda ayay maamul gobaleedyada ku tilmaameen in Dowladda Federaalku wadashaqayntii ka door biday faragelin gurracan oo ay Dowlad Goboleedyada ku hayso sida ay hadalka u dhigeen
Arintan ayaa waxaa ay ku sheegeen in ay dhaawacayso kalsoonidii kala dhexeeysay dowlada dhexe iyo Maamul gobaleedyada,iyagoona xusayay in ay dowlada Federaalka ah ay masuul ka tahay xiriir xumida labada dhinac.