Uncategorized

M/Gobaleedyada oo xubno ku yeeshay Gudiga dib u eegista Dastuurka.

Muqdisho-KNN-Senator Cabdi Xasan Cawaale qaybdiid Guddoomiyahq Gudiga dib u eegista ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa warbaahinta u sheegay in maamul gobaleedyada ay xubno ku yeesheen dib u eegista Dastuurka.

Isagoo ka hadlayay fadhiga aqalka sare ayuu sheegay in lix Xubnood oo ka kala socda dhamaan maamul gobaleedyada lagu soo diray gudiga si shaqada ay Xowli u socoto loona dhameeyo dib u eegista Dastuurka qabyada ah.

Dib u eegista Dastuurka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in la soo gaba gabeeyo sanadkaan si sanadka dambe loogu diyaar garoowe doorashooyinka dalka ee ku beegan 2020-ka.