Somali News

M/Gobalka Banadir oo xalay Bur-buriyay goobo ganacsi oo ku yaala Muqdisho.

Muqdisho-KNN-Ganacsiyada yar yar ee ku yaala hareeraha wadada  u  dhaxaysa isgoosyada  Suuqa weyn ee Bakaaraha iyo balack sii ayaa xalay  maamulka gobalka banaadirWaxaa ay howlo  bur burin ah ka sameeyay halkaasi.

Masuuliyiinta degmooyinka Howl-wadaag,Hodan iyo Maamulka gobalka Banaadir ayaa waxaa goobahaasi ku  ku sheegeen in ay ka dhalatay amni xumo soo wajahday suuqaasi.

Maxamed Cabdullahi Maxamed Gudoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasada ee maamulka gobalka banaadir oo isna hadlay geestiisa ayaa hoosta ka xariiqay inaysan u dulqaadan doonin ganacsiyada kaga abuurto hareeraha wadooyinka suuqa bakaaaraha.

Cidiii arintaasi lagu arkana ay la kulmi doonto cawaaqib aan la mahdin.

Suuqyada waa weyn ee ku yaala gobalka banaadir ayaa wadooyinka soo gala hareerahiisa waxaa laga abuurtay ganacsiyo kaasi oo badanaaa keena zaxmad xiliyada dukaameysiga uu socdo islamarkaana mararka qaar ay ka dhalato  amni xumo, haba ugu badnaateee in ruux la dilo.