Uncategorized

M/gobolka Banaadir oo lagu dhaliilay wax ka qabasho la`aanta isku dhacyada ciidamo kawada tirsan dowlada

Muqdisho-KNN-Gudoomiyaha guddiga Arimaha Bulshada ee Aqalka sare baarlamaanka Soomaaliya Axmed Macalin Nuur Axmed Nadiir oo la hadlay Idaacada Kulmiye ayaa sheegay in shacabka ku nool degmada Dharkeynley ee gobolkaan Banaadir ay dhibane u yihiin dagaalo u dhaxeeya ciidamo kawada tirsan Dowlada Soomaaliya oo ka dhaca degmadaasi.

Xildhibaan Axmed ayaa sheegay in isku dhacyada dhax mara ciidamada dowlada ay salka ku hayso dhulkii Dowlada ee degmadaasi ku yaalay, sida Jaamacadii Gaheyr, Warshadii xergaha iyo saamaha, dhulkii xanaanada Xoolaha oo hadda ay dagan yihiin dad shacab ah.

Senatorka ayaa dhaliilay maamulka degmada Dharkeynley iyo kan gobolka Banaadir wuxuu yiri ”isku dhacyada ciidamada inta aan ogahay sedax mar ayey dhaceen, mana jirto cid ka hadashay gudoomiyaha degmada Dharkeynley iyo kan gobolka Banaadirba, shacabkina dhibane ayey yihiin, sidoo kale xildhibaanka ayaa yiri ma garaneyno cid ay ka amar qaataan ciidamadaan halkaan ku dagaalamaya”.

Gudoomiyaha guddiga Arimaha Bulshada ee Aqalka sare baarlamaanka Soomaaliya Axmed Macalin Nuur Axmed Nadiir ayaa sidoo kala yiri waan kala xisaabtami doonaan maamulka degmada iyo kan gobolkaba dhacdooyinkaan soo laab laabta ee ka dhaca degmooyinka gobolkaan Banaadir.

Maalmihii dambe ayaa magaalada Muqdisho waxaa ka dhacayay isku dhacyo u dhaxeeya ciidamo ka wada tirsan dowlada Soomaaliya, iyadoona dagaal u dhaxeeya ciidamo ka wada tirsan dowlada ay ku dagaalameyn xaafada Siliga Amerikaan ee magaalada Muqdisho.