Uncategorized

M/Hirshabeele oo beeniyay in cudurka shuban biyoodka uu ka dilaacay Deegaanadeeda Maamulkaasi.

Muqdisho-KNN-Wasaarada Caafimaadka ee Maamulka Hirshabeele ayaa beenisay in Gobolka Shabeelada Dhexe ay dad ugu geeriyoodeen cudurka Shuban biyoodka, oo maal mihii dambe lasoo sheegayay in deegaano iyo tuulooyin badan oo ka tirsan Gobolkaasi ay dad caruur u badan ay la il darnaayeen cudurka Shuban biyoodka.

Wasiirka Wasaarada Caafimaadka ee Maamulka Hirshabeele Cabdi Macalin Maxamuud oo la hadlay KNN ayaa sheegay inaysan jirin wararka sheegaya in deegaano iyo Tuulooyin ka tirsan Gobolka Shabeelada Dhexe ay dad ugu geeriyoodeen cudurka Shuban biyoodka.

Cabdi Macalin Maxamuud oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in sida hadalka loo dhigay inaysan eheen laakiin ay jiraan daruufo adag oo haysta dadka ku nool deegaanada uu ka arimo maamulka Hirshabeele.