Uncategorized

M/Koofur galbeed oo ka warbixiyay caruur ay ka soo furteen Al-shabaab.

Muqdisho-KNN-Maamulka Koofur galbeed ayaa faafaahin ka bixiyay caruur ay sheegeen in Al-shabaab ay Askareen rabeen oo ay ka soo furteen, caruurtaas ayaa hadda ku sugan xero ciidan oo dhaqan cilin loogu sameynaayo oo ku talaala magaalada Baydhabo ee xarunta ku meel gaarka ah maamulka Koofur-galbeed.

Afayeenka maamulka Koofur-galbeed Nuurdiin Yuusuf Abuukar oo la hadlay KNN ayaa sheegay in Al-shabaab ay ka soo furteen 5 caruur ah oo da’adooda ay ka yartahay da’ada qaan gaarka ee 15 sano ah.

Nuurdiin ayaa tilmaamay in caruurtaas Al-shabaab ay ka wateen duleedka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay isla markaana ay geeyeen deegaanka labaatan Jirow oo dhan koofureed kaga beeggan magaalada Baydhabo halkaas oo ay ku taba barayeen caruurtaasi.

Nuurdiin Abuukar ayaa sheegay in laamaha amaanka ee Koofur-galbeed ay ka war heleen in caruur aad u da’a yar in Al-shabaab ay gacanta ku hayaan sidoo kalana ay heleen xog tilmaameysa goobta lagu haayo caruurtaas taas oo fududeysay in caruurtaas laga soo furta dagaalamayaasha Al-shabaab.