Somali News

M/Shariif Xasan oo Isbadal ku sameeyay Waaxda Cadaaladda Shabeelaha Hoose

Muqdisho-KNN-Digreeto kasoo baxday Xafiiska Madaxweeynaha Koofur Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa xilkii waxaa looga qaaday Gudoomiyihii Maxkamadda Gobolka Shabeelaha Hoose.

Isla Digreetadan ayaa waxaa lagu Magacaabay Gudoomiyaha Baladi doonaa kan xilka laga qaaday, waxaana Gudoonka Maxkamadda loo Magacaabay Saciid Xasan Zubeyr.

Bilihii ina dhaafay isbadal xoogan ayaa ka jiray Gobolka Shabeelaha hoose waxaana isbadalkaa uu sameeyay Maamulka Sare ee Gobolka.

Halkan ka aqriso Digreetada Kasoo Baxday Koofur Galbeed.