Somali News

M/W Faransiiska oo ka carooday muuqaal laga duubay askar jir-dileysay nin madow ah

Paris-KNN-Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa ‘aad uga naxay’ muuqaallada saddex sarkaal oo boolis ah oo magaalada Paris ku jir dilay nin madow ah oo fannaan ah sida ay ku warrantay warbaahinta Faransiiska.

Madaxweyne Macron si cad ugama uusan hadlin dhacdadan, balse waxuu kala xaajooday arrintaan iyo kuwa ku lugta lehba wasiirkiisa arimaha gudaha Gérald Darmanin.

Seddaxda sarkaal ee lagu cadeeyay laguna arkay muuqaalka, iyagoo garaacaya Michel Zecler ayaa shaqada laga joojiyay, waxaana ku socda baaritaan.

Dhacdadaan ayaa horseeday in baaritaanno cusub lagu sameeyo ciidamada amniga Fanarsiiska ee ka howlgala magaalada Paris.