Somali News

M/weynaha DDS oo si kulul ugu hadlayay eedeyn loo jeediyay xukuumadiisa

Mustafe Muxummed Cumar, Madaxweynaha Dowlad deegaanka Soomaalida oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu si kulul eedeyn uu ugu jeediyay xubnaha mucaraadka ee xukumaadiisa kuwaas oo ku dhaliilaya sicir bararka ka jira dowlad deegaanka Soomaalida.

“Waxa aynnu leenahay mucaarad masiibo-quutayaal ah oo aad u raadiya in ay masiibo dhacdo si ay dadku u baaba’aan oo dowladda loogu dacaayadeeyo “

Waxaa uu sheegay in Siyaasiyiinta looga baahan yahay inay isku yimaadaan, iyadoo dhinac liska dhigayo siyaasada, iyagoo qeyb ka qaadanaya xal u helida sicir bararka ka jira Dowlad deegaanada Soomaalida.

Hadalka Madaxweyne Mustafe Muxumed Cagjar ayaa kusoo daaya, xili muddooyinkii ugu dambeeyay ay jireen dhaliil loo jeedinayay oo la xiriirta wax ka qabasho la,aanta xukuumadiisa sicir bararka baahsan ee saameynta ku yeeshay qeybaha kala duwan ee bulshada ee ku dhaqan Dowlad deegaanka Soomaalida.