Uncategorized

M/weynaha Falastiin oo diiday inuu la kulmo M/weyne ku xigeenka Maraykanka oo dhawaan bariga dhexe booqan doona

Qudus: M/weynaha Falastiin Max’ud Cabaas  ayaa diiday inuu la kulmo M/weyne ku xigeenka Maraykanka Mike Pence oo dhawaan booqasho ku tagaya gobolka bariga dhexe wadamo ku yaala.

Wasiirka arrimaha dibbadda Falastiin Riyaad Maliki ayaa sheegay in M/weyne Cabaas uu ka biyo diiday inuu la kulmo Mike Pence marka uu bishaan booqashada ku tago bariga dhexe waxaana wasiirku sheegay in m/weynahoodu diyaar u aheyn inuu la kulmo M/weyne ku xigeenka Maraykanka.

Wasiirkaan u hadlay Falastiin waxaa uu sheegay in M/weyne Max’ud Cabaas baajiyay kulankii dhex mari lahaa asaga iyo Mike Pence kaas oo magaalada Bayta Laxam ka dhici laha 19 bishaan December.

Sidoo kale madaxa wada hadalada Falastiinyiinta Saaib Cureyqaad ayaa sheegay in dawlada Falastiin ay wax wada hadal ama xariir ah la yeelaynayn Maraykanka inta ay ka noqonayaan go’aankii Taraam Qudus ugu aqoonsaday caasimada Yahuuda.