Somali News

M/weynaha Galmudug “Wali waxaa jiro fikir kasoo horjeeda Xorriyada dadka Soomaaliyeed.”

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdikaariye Qoor-qoor  ayaa magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulkaas ugu qeyb galay munaasabad lagu maamusayay 62-sano guuradii kasoo wareegatay midnimada Soomaaliya iyo madaxbanaanida gobolada Koofureed ee xuskka 1-da Luulyo.

Madaxweynaha oo munaasabadda ka jeediyay khudbad ayaa hambalyo iyo boggaadin ugu diray dhammaan shacabka Soomaaliyeed meelkasta ay joogaan dal iyo dibad, gaar ahaan shacabka ku dhaqan deegaanada Galmudug.

“Waxaan ugu hambalyeenayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed meelkasta ay joogaan dal iyo dibad habeenkaan weyn oo caawa aan u dabaal dageeno ee 1-da Luulyo, waxaan rabaa sidoo kale inaa halkaan duco iyo boggaadin hambalyo ugu diro geesiyaashii dhiiggooda usoo waraabiyay munaasabadaan qaaliga ah ee aan caawa u dabaal dageeno taas ee isbuucii xorriyada.” Ayuu yiri Madaxweyne Qoor qoor.

Qoor qoor oo sii hadlayay ayaa sheegay in munaasabadda maanta ee 1-da Luulyo ee loo dabaal dagayo ay horseed u ahaayeen dhalinyaro Soomaaliyeed oo geesiyaal ah kuwaas oo u istaagay soomaaliya ka xarowdo gumeystihii, balse kuwa maanta jooga ayuu xusay inay ka yaraayeen, waxay heysteena ay yareyd, hadane sidaas oo ay tahay wuxuu tilmaamay in ay go,aan sadeen inay ka gudbiyaan Umadda Soomaaliyeed dhammaan wixii xeyndaab ahaa ee uu gumeystuhu u dhigay, kaas oo ay ku diidanaayeen xorriyada ay heystaan.

Madaxweyne Qoor qoor oo sii hadlayay ayaa sheegay in xeyndaabka uu gumeystuhu isticmaalayay uu ugu weynaa dhanka qabyaalada.

“Xeyndaabkaas waxaa ugu weynaa oo uu gumeystuhu isticmaalayay waxaa kow ka ahaa qabyaalada, waxaa laba ka ahaa inuu dano iyo masaalix yar yar oo gaar gaar ah u sheego qofkasta oo isku taaga ama ku howlan ama kuwa uu sameeyo qofkii u dhaq dhaqaaqa xorriyada caqabad ku noqda, waa ka gudbeyn caqabadahaas.” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Qoor qoor.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha ayaa carabka ku dhuftay in wali uu jiro fikir kasoo horjeedo xorriyada dadka Soomaaliyeed, kaas oo u adeegaya danaha cadowga, isagoo tilmaamay in xorriyada oo kaliya aysan diidaneen, balse aysan rabin hormarka dadka Soomaaliyeed ay ku tallaabsanayaan.

“Fakar kasoo horjeeda oo diidanaa xorriyada oo dad Soomaaliyeed u adeegayyeena waa jiray, maantana waa jiraa, maahan inay doodi karaan xorriyada, waxay noo diidayaan hormarka, waxayna u adeegayaan cadowga, Cadowgana mar walboo joogaa asagoo qorey wata iyo isagoo aan qoray wadanba, waxaan leeyahay umadda Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan gacmaha isqabsada cadowgana iska xorreeya.” Ayuu yiri ugu dambeyn Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdikaariye Qoor-qoor.