Somali News

M/weyne Xasan Shiikh oo la kulmay qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ee BFS

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa la sheegay in uu bilaabay kulamo gaar gaar ah la qaadanayo Xildhibaannada Golaha Shacabka ee laga soo doortay Dowlad goboleedyada.

Xalay waxa uu madaxweynaha la kulmay xildhibaanada golaha shacabka  ee laga soo doortay dowlad goboleedka Galmudug.

Kulamadan ayaa lagu sheegay ujeedkoodu in madaxweynuhu ku qanciyo xildhibaanada golaha shacabka in ay taageeraan golaha wasiirada ee dhawaan uu ku dhawaaqi doono RW Xamza cabdi Barre.

Waqti kooban ayaa ka harsan waqtiga RW Xamza uu heyso si uu isii daayo liiska xubnaha kamid noqonaya golahiisa wasiirada, iyada oo isha lagu hayo xubnaha kasoo muuqan doona.