Somali News

Ma qabsoomayaa shirkii uu iclaamiyey Farmaajo? Akhriso wararkii u dambeeyey

Muqdisho-KNN-Isniinta maanta ah waxay ku beegantahay maalinkii loo asteeyey inuu furmo shirkii uu iclaamiyey madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Farmaajo ayaa shirkaas u asteeyey in lagu qabto magaalada Garowe ee Puntland, balse Puntland oo taageero ka heleysa Jubbaland, midowga musharaxiinta iyo guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa soo jeedisay in shirkaas lagu qabto Muqdisho.

Sidoo kale Puntland waxay ku talisay in shirka lagu casuumo dhammaan saamileyda siyaasadda Soomaaliya, si xal kama dambeys ah looga gaaro khilaafka hareeyey doorashooyinka Soomaaliya.

Waxaa muuqata in maanta uusan qabsoomi doonin shirkii uu iclaamiyey madaxweyne Farmaajo, waxayna caqabada koowaad ka taagantahay in Puntland iyo dowladda dhexe isku tuur-tuurayaan halka la dhigayo gogosha shir ay mar kale madaxdu isugu yimaadaan oo muhiim u ah qabsoomidda doorashada dalka.

Ra’iisal Wasaaraha xilka sii-haya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa shalay magaacabay guddi farsamo oo ka kooban 14 xubnood, kuwaasi oo ka shaqeyn doona sidii uu u furmi lahaa shirka uu iclaamiyey madaxweynaha uu waqtiga ka dhamaaday, kaasi oo balanku ahaa in Garowe la isugu tago maanta oo taariikhdu tahay 15-ka Febraayo.

Guddiga farsmo ee uu magacaabay Rooble ayaa waxay ka kala yimaadeen xafiiska Madaxweynaha, xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’iisal wasaare Rooble.

Guddigan oo ka kooban 14-qof, waxaa qeyb ka ah xubno ay soo gudbiyeen madaxda Puntland iyo Jubbaland oo iyagu aad u diidan in shirkaas lagu qabto Garowe, waxaana xubnaha ay soo magacaawdeen ugu tunweyn wasiirka arrimaha gudaha Puntland, iyo wasiiru-dowlaha madaxtooyada Jubbaland, waxaana la filayaa in maanta ay Baydhaba ku kulmaan xubnaha guddigaas.

“Guddiga farsamo ayaa u gogol xaaraya shirka Golaha Wadatashiga Qaranku ay isugu imanayaan, kaasoo lagu dhammeystirayo wadahadalladii arrimaha doorashooyinka ee u dhaxeeyay Dowladda Federaalka, Dowladaha Xubnaha ka ah iyo Gobolka Banaadir,” ayaa lagu yiri qoraalka lagu magacaabay xubnaha guddiga.