Somali News

Maal qabeen taageera dibad baxyada Hong Kong oo xabsiga ladhigay.

Booliska Hong Kong ayaa xiray maalqabeen u janjeera dhanka dimuqraadiyadda oo lagu magacaabo Jimmy Lai.

Waxaa la aaminsan yahay in Mr Lai uu yahay qofka ugu heerka sareeya ee la xiray tan iyo markii Hong Kong lagu soo rogay sharciga cusub ee qaranka ee muranka badan dhaliyay.

Mr Lai ayaa waxa uu taageeray dibadbaxyadii dimuqraadiyad doonka ahaa ee sannadkii hore hareeyay Hong Kong.

Bishii Febraayo, 71 sano jirkan ayaa lagu soo eedeeyay shirar sharci darro ah iyo cabsi gelin inkastoo markii danbe damaanad lagu soo daayay.

“Jimmy Lai ayaa loo xiray isku dhac dhex maray isaga iyo quwado ajaanib ah, sidaasi waxaa sheegay Simon, oo ah maamulaha shirkadiisa warbaahinta.