Uncategorized

Maalintii labaad oo Maanta loo dabaal degayo Munaasabada Ciida Carafo iyo Xujeyda oo gudanaya acmaasha Xajka.

Ku dhawaad 3 milyan oo Muslimiin ah ayaa maanta iyo labada maalmood ee xiga sii joogi doona mashcarka Mina, halkaasoo ay dhagax-tuurka 3-da ah ku gudan doonaan, hase yeeshee xujeyda dag dagsan ayaa laba maalmood oo kaliya kusoo koobi doona, si ay dawaafka sagootinta u gutaan kaasoo ah midka ugu dambeeya tiirarka xajka.

Dad badan muslimiin ah ayaa Waxaa ay sanadkan ku gudanayaan Waajibaadka Alle,iyagoona Dhamaantooda isku faraxsan,islamarkaana isugu Hambalyeynaya Munaasabada Ciida awgeed,Waxaa ka mid ah dadkaas muwaaniniinta Soomaaliyeed ee Sanadkan Xajinaysa.

Maanta waxaa loo Dabaal degayaa Maalintii labaad ee Ciida Carafo,Waxaana dadka lagu arkayaa Wadooyinka waa weyn,iyagoona isugu Hambalyeynayaa sida ay ugu faraxsanyihiin inay Maantii labaad ay ku damaashaadaan Caalamka iyo Guud ahaan Soomaaliya.