Uncategorized

Maamul Gobaleedyada Dalka oo diiday ka qeyb-galka Shirweynaha Dib u eegista Dastuurka Qaranka.

Muqdisho-KNN-Warar ay heshay idaacadda kulmiye ayaa sheegaya in qaar ka mid ah Maamul Gobaleedyada aysan imaan doonin Magaalada Muqdisho,xili la filayo in Shirweyne Qaran oo looga hadlayo Dib u eegista  Dastuurka uu ka furmo Magaalada.

Maamulada aan Shirkan ka qeyb gali doonin ayaa waxaa ka mid ah koofur galbeed,Hirshabelle,Puntland, iyo jubbaland inkastoo aan la ogeyn sababta ka dambeysa arintaas.

Wasiirka Dastuurka Soomaaliya Cabdi raxmaan Xoosh Jibriil ayaa sheegay in 8 bishan oo ku beegan Maalinta Beri ah uu shir looga hadlayo dastuurka KMG ah uu ka furmayo Magaalada Muqdisho.

Dhanka kale maamulka Galmudug  ayaan weli cadeyn mowqifkooda ku aadan ka qeyb galka Shirka looga hadlayo Dib u eegista dastuurka KMG ah.

Sababta ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay Shirka madaxda Maamul gobaleedyada Dalka oo Shir lagu dhex-dhexaadinayo Dowlada Dhexe iyo Maamul gobaleedyada uu ka furmayo Magaalada kismaayo ee Xarunta.

Dowlada Soomaaliya ayaa horey u shaacisay inay Bisha October 8-dii ay Magaalada Muqdihso ay ku qaban doonto Shir dib u eegis lagu sameynayo Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya.