Somali News

Maamul goboleedyada dalka oo lagu eedeeyay in ay caburiyaan warbaahinta

Muqdisho-KNN-Maamul goboleedyada dalka ka jira ayaa waxaa lagu eedeeyay in ay caburiyaan warbaahinnada ka shaqeeya, deegaannada ay maamulan.

Cabdinuur Maxamed Axmed oo ah agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya ayaa maanta mar uu ka hadlayay munaasabad lagu daahfurayay dhaqan gelinta xeerka warbaahinta iyo furitaanka xarunta xiriirka dawlada, waxa uu ka sheegay in maamul  goboleedyada dalka ka jira ay caburiyaan saxaafadda Soomaaliya.

Agaasime Cabdinuur ayaa arrintaasi waxa uu ku tilmaamay in ay tahay mid aan ku habooneyn, isla markaasina ugu baaqay in aan la caburin saxaafadda Soomaaliyeed.