Uncategorized

Maamulada galmudug iyo Ahlusuna oo heshiis hordhac ku gaaray dalka jabuuti.

Muqdisho-KNN-Iyadoo dhawaan dalka jabuuti uu ka furmay wajiga labaad ee wadadhadalada u dhaxeeya maamulada Galmudug iyo Ahmlu suna ayaa waxaa wararka laga helayo shirkaasi ay sheegayaan in labada dhinac ee Galmudug iyo Ahlu sunaba ay gaareen heshiis hor dhac islamarkaana isla garteen qodobo dhowr ah.

Wararka oo ah kuwo hordhac oo ay heleyso idaacda kulmiye ayaa sheegaya in Ahlu suna iyo galmudug ay isla garteen in la heshiiyo oo Ah-lusuna ay ku biirto maamulka galmudug taas oo ka dhigan in ahlu suna ogolaatay kamid noqoshada  maamulka galmudug iyo magaca galmudug intaba sidoo kalena waxaa intaas dheer in dhinaca ahlusun la sheegayo in ay ogolaadeen in awooda ciidan ee ay hayaan ku biiriyaan maamulka galmudug.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya  in maamulka galmudug mas’uuliyiinta u matalata ee uu u horeyo madaxweynaha maamulkaasi axmed ducale geele xaaf ay ogolaadeen in ahlu suna ay xubo ku yeeshaan wasiirada galmudug ,xildhibaanada  baarlamanka galmudug  iyo sidoo kale gudoonka baarlamaanka galmudug oo warar hoose ay sheegayaan in Ahlu suna qaadan doonto oo la isla gartay.

Heshiiska u dhaxeeya labada dhinac ayaa ah mid wali socda oo aan la soo gaba gabeyn waxaana qodobada aan hada soo sheegnay iyo kuwo kale oo wali laga wada hadlayo oo ay kamid yihiin in ahlu suna qaadato sidoo kale gudoonka maxakamada sare ee galmudug iyo talisyada ciidamada ayaa ay  labada dhinac ba kala saxiixan doonaan warbaahintana loo soo bandhigi doonaa marka  heshiiska si guud la iskula garto.

Wadada hadalan u dhaxeeya maamulada Galmudug iyo Ahlu suna oo ay garwadeen ka tahay urur goboleedka Igad ayaa hadii lagu guuleysto rajada isu soo dhawaansho ee hada laga qabo waxaay noqon doontaa mid muhiim u ah labada dhinac waa tan hore e  maamulka galmudug oo caqabada ugu weyn ay ahayd deegaanada uu ka taliyo maamulka ahlu suna oo aysan horay madaxda galmudug tagi Karin kana shaqeyn karin islamarkaana deeganadaasi ka amqnaa Maamulka galmudug  ay kamid tahay caasimada rasmiga ah ee Galmudug oo ah dhuuso mareeb oo Ahlusuna ka taliyaan.

Dhinaca Ahlu suna ayaa la tilmaamayaa in heshiis kani uu muhiim u yahay oo ay awood qeybsi ka helayaan maamulka galmudug iyadoo ciidmada Ahlu suna lagu dari doonom ciidamada maamulka galmudug .

Waxaa kale oo heshiiska labada dhinac kadib la sheegayaa in ay  sahlanaan doonto in shabaab laga saaro deegaanada ay kaga suganyihiin maamulka galmudug.