Uncategorized

Maamulka Beladweyne”sedaxdii maalin ee ugu dambeysay waxaa barakacay dad kabadan 4,500 oo qoys”

Beladweyne-KNN-Guddoomiyaha degmada Beladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan Maxamed Cismaan Cabdi Qalaafow ayaa sheegay in dad badan ay ka barakaceen magaalada Beladweye kadib fatahaad xoog leh oo uu sameeyay webiga Shabeelle ee mara magaalada.

“Dad aan ku qiyaasay Afar kun iyo wax la jiro ayaa ka barakacay Magaalada sedexdii Maalin ee lasoo dhaafay, Duruufo badan ayaa dadka hore heystay, Xaafadaha Kooshin iyo Xaawo Taako ayay dadka ugu badan ka barakaceen, waxayna dadka u barakaceen Tuulooyinka u dhow Beledweyne”.

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa Shalay kulan ballaaran la qaatay maamulka Gobolka Hiiraan iyo qaar ka mid ah Saraakiisha Qaramada midoobay.

Kulankan ayaa lagu gorfeeyay sidii caawimaad deg deg ah loo gaarsiin lahaa Dadkii dhawaan ka bara baxay fatahaadda Webiga Shabeelle ee ka dhacday Magaalada Baladweyne , kuwaasoo tiradooda lagu qiyaasay inkabadan 4,500 Qoys.