Somali News

Maamulka D/D/Soomalida oo ka hadlay heshiiska ONLF iyo Itoobiya.

Muqdisho-KNN-Maamulka dowlad deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya ayaa soo dhaweeyay heshiis dowladda Itoobiya ay la gashay jabhadda hubeysan ee ONLF oo muddo dheer dagaal kula jirtay dowladda.

Heshiiskaas oo ka dhacay magaalada Asmara ee dalka Eritrea ayaa soo afjaraya colaadda u dhaxeysay labada dhinac, wuxuuna heshiiskaasi qeyb ka yahay isbadallada uu la yimid ra’iisalwasaaraha cusub ee dalka Itoobiya Abiy Axmed.

Wasiirka warfaafin Dowlad deegaanka Soomaalida Guuleed Aw Cali Kaahin. Ayaa sheegay in  heshiiskaasi ay  xukuumadda Dowlad Deegaanku ay gacmo furan ku soo dhaweyn doonto.

Waxa uu sheegay inay u diyaar garoobayaan soo dhaweynta Xubnaha Sar sare ee Ururka ONLF oo laba todobaad kadib ku soo wajahan dowlad deegaanka kadib heshiiskii Magalada  Asmara.