Uncategorized

Maamulka deegaanka Lamu ee Kenya oo soo jeediyay in Al-shabaab dagaal looga saaro keynta Booni

Muqdisho-KNN-Siyaasiyiinta Kenya ee kasoo jeeda Lamu ayaa dowladooda waxay ka doonayaan in ay xoojiso dagaaalka ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda kaynta Booni, si dib loogu soo celiyo wax barashaddii Gobolka oo oo muddo xirneeyd.

Gudoomiye ku xigenka gobolka Lamu Cabdul kariim  Cabood iyo Xillibaanka Bariga lamu laga soo doortay ee Athaman Shariif  ayaa shalay waxay Saraakiisha amaanka ee Gobolka ku booriyeenn in ay Dar-dar galiyaan howlgalka Boni islamarkaana ay Al-shabaab kasoo saran meelaha ay ku dhuumanayaan ee Kaynta.

Waxay sheegeen in dadaal dheer loo galay soo celinta xaaladdi caadiga ahayd ee deegaanka, hase ahaatee wali loo baahan yahay in wax badan la qabto ayey sidoo kale sheegeen.

Masuuliyiintu waxay sheegeen in Caruurta Gobolku ay ku barbaarayaan Weerarro argagixiso iyo iskuuladdii oo xiran,  waxayna Dalbadeen Xaaladda laga dhigo mid Caruurta usaamixi karta in ay wax barasho helaan.

Gobolka Lamu degmooyin badan oo ka tirsan Caruurtu ma heeystaan Wax barasho waxaana iskuuladdi la xiray markii ay Al-shabaab ku qaadeen Weeraro ay ku dhinteen dad aan waxaba Galabsan.

Muddo Afar sanno ah Caruurtu wax barashii ma aysan helin, sida masuuliyiintu ay Warbaahinta Kenya u sheegeen.