Somali News

Maamulka degmada Balcad oo ku baxay xiisad ka taagan degmadaasi

Balcad-KNN-Guddoomiyaha degmada Balcad Qaasim Cali Nuur iyo Mas’uuliyiin kale oo katirsan Maamulka HirShabeelle ayaa ku baxay xalinta dagaal beeleedyo ka soo cusboonaaday degaano katirsan degmadaasi Balcad ee Gobalka Shabeelaha Dhexe.

Mas’uuliyiintaan ayaa ku baxay xiisad ka taagan degaanka Mukay dheere oo katirsan degmada Balcad, degaankaasi waxaa dhowaan ka dagaalamay laba maleeshiyo Beeleed, waxaana isa soo tarayay qayla dhaanta ka soo baxaysay odayaasha degaanka.

Sidoo kale Mukay dheere waxaa ka taagneed dilal salka ku haayo aanooyin qabiil waxaana mas’uuliyiinta ku baxay colaadaasi laga sugayaa in ay xal ka gaaraan xiisad degaanka ka jirta.

Degmada Balcad ee Gobalka Shabeelaha Dhexe waxay kamid ah degmooyinka HirShabeelle oo ay ku soo laa-laabteen dagaalka iyo dilalka salka ku haayo aanooyinka qabiil.

Hore duleedka degmada Balcad, gaar ahaan degaan u dhaxeeya Degmooyinka Balcad iyo Jowhar waxaa ugu dagaalamay laba maleeshiyo Beeleed kuwaas oo dhowr qof iska dilay, mana jirto ilaa hadda xal laga gaaray colaadda Gobalka.