Uncategorized

Maamulka degmada Boondheere “waxaa noo qorsheysan kahortaga dilalka ka dhaca degmada”

Muqdisho-KNN-Maamulka degmada Boondheere ee gobolkaan Banaadir ayaa sheegay in dilalka qorsheysan ay ku yar yihiin in ay ka dhacaan degmadaasi.

Maamulka ayaa tilmaamay in hadda ay wadaan qorshe ay ugu hortagaan dilalka qorsheysan xili xalay degmadaas lagu dilay wiil ka mid ahaa dhalinyarada degmada ku ganacsata.

Guddoomiyaha degmada Boondheere Seynab Yuusuf Wehliye oo ka hadashay dilka xalay degmadeeda ka dhacay waxay tilmaantay in arintaas ay ka yeelanayaan kulan ku saabsan ka hortaga falalka dilalka qorsheysan ah.

Maalmihii dambe ayaa magaalada Muqdisho waxaa ka dhacayay dilal iyo weeraro qorsheysan oo mas`uuliyooda ay sheeganayeen Al-shabaab.