Bashiir Maxamed Salaad (Sanka) oo ah Afhayeenka maamulka magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad goboleedka Galmudug ayaa waxa uu ka hadlay dad shacab ahaa oo xalay lagu dilay magaaladaas.
Afhayeenka ayaa qoraal uu bartiisa Facebook-ga soo dhigay waxa uu ku sheegay in falkaas uu ahaa mid wuxuushnimo ah, isla markaana dadkii ka dambeeyay ay ku raad joogan Hay’adaha Amniga ee maamulkaas islamarkaana uu ka tacsiyeeyay.
Qoraalka uu soo saaray Afhayeenka Maamulka magaalada Dhuusamareeb hoos ka akhriso
“Waxaan katacsiyaynaa aniga oo kuhadlaya afka maamulka Caasimada Galmudug iyo kayga falkii foosha xumaa ee xalay lagu dilay ganacsato howlahooda shaqo ee gaarka haystay,kuwana lagu dhaawacay
Waxaan alle uga baryaa marka hore inuu naxariistiisa janno mida ugu sarraysa siiyo inta inaga baxday,qabrigana waasac uga dhigo,kitaabkooda gacanta midig kasiiyo,janatul firdowsa kawaraabiyo,inta dhaawacaana ubooga dhayo
Dhamaan caruurta,xaasaska,waalidka,ehelka iyo asxaabta ay kabaxeena in Alle Samir jamila ugu badalo.
Waxaan intaa kadib bulshada deegaanka usheegayaa in falkaa wuxuushnimada ah dadkii gaystay hay’adaha amnigu ku raadjogaan,cadaaladana lahorkeeni doono sida ugu dhaqsiyaha badan hadii alle idmo
Waxaan ugu dambayn bulshada Caasimada Galmudug dagan iyo deegaanada hoosyimaada kacodsnaa inay lashaqeeyaan ciidamada amniga si looga baaqsado in waxii xalay dhacay aysan mardambe dib udhicin ayuu yiri Afhayeenka “


