Dhuusamareeb-KNN-Goddoomiyaha magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug Macalim Nuur Cilmi Cabdulle oo warbaahinta kula hadlay magaalada Dhuusamareeb ayaa Warasada arimaha gudaha federaalka ku eedeeyay carqaladeyn uu sheegay inay ku heyso guddi uu maamulka caasimaddu u xil saaray soo dhaweynta iyo dib u dajinta Ergooyin Dhuusamareeb usoo gaaraya ka qeyb galka shirka dib u heshiisiinta Galmudug.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in maamulka magaaladu uu sameeyay jadwal loogu talagalay arimaha dib u heshisiinta, balse ay ku garab ordayso Wasaaradda arimaha gudaha oo sida uu sheegay isku dayeeysa inay kala ilaaliso maamulka caasimadda iyo Ergada ku qolqulaysa Dhuusamareeb si ay uga qeyb galaan shirka dib u heshiisinta ee lagu wado inuu dhawaan ka furmo magaalada Dhuusamareeb.
Macalim Nuur duqa Caasimadda Galmudug ayaa Wasaarada arimaha gudahah ka dalbaday in la saxo is barbaryaac uu sheegay inuu ka jiro qaban-qaabada shirka, si buu yiri loo ilaaliyo amaanka magaalada uu shirku ka dhacayo iyo sidoo kale dadka ka qeyb gelaya.