Uncategorized

Maamulka G.Banaadir oo faafaahin ka bixiyay dilka xalay ka dhacay Xamar-Weyne

Muqdisho-KNN-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil xalay loo geystay mid kamid ah gudoomiye waaxeedyada maamulka degmada Xamar-Weyne ee gobolkaan Banaadir.

Maamulka gobolka Benaadir ayaa faafaahin ka bixiyay weerarkaas xalay dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab ay ku dileyn Maxamuud Macalin Xasan Fagaase gudoomiyihii waaxada Kacaan ee degmada Xamar –Weyne,  oo lagu dilay meel aan ka fogeyn gurigiisa, Fagaase xiligaas waxaa la joogay mas`uul kale oo kala tirsanay mas`uuliyiinta degmada.

Gudoomiye Fagaase iyo mas`uulka kale ayaa dhaawac loo geeyay Isbitaalka Shifa ee magaalada Muqdisho, halakasi oo markii dambe uu ku geeriyooday Maxamuud Macalin Xasan Fagaase gudoomiyihii waaxada Kacaan ee degmada Xamar –Weyne.

Kooxdii ka dambeeyay weerarkaas ayaa la sheegay inay baxsadeen, dagaalamayaasha Al-shaaab ayaana sheegtay mas`uuliyada weerarkaasi.

Afayeen maamulka gobolka Banaadir Cabdifataax Xalane oo KNN la hadlay ayaa sheegay in ay ku raad joogaan ragii ka dambeeyay dilka xubnahaasi ka tirsan mas`uuliyiin degmada Xamar-Weyne.

Degmada Xamar-Weyne ayaa dhowaan lagu diley nin dhalinyaro ah oo xiriir ganacsi uu kala dhexeeyay ciidamada nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee AMISOM.

Maalmihii dambe ayaa weeraro iyo dilal qorsheysan waxa ay ka dhacayeen magaalada Muqdisho iyadoo mas`uuliyada weeradaas iyo dilalkaba ay sheeganayeen dagaalamayaasha Al-shabaab.