Uncategorized

Maamulka G/Banaadir oo ka hadlay isbadalka lagu sameeyay Ciidamada amniga.

Muqdisho-KNN-Afayeenka gobalka Banaadir Cabdi Fitaax Cumar Xalane ayaa faah faahin ka bixiyay isbadalka lagu sameeyay Ciidamada amaanka ee magaalada Muqdisho.

Afayeenka ayaa sheegay in Booliiska ay ku soo biireyn Baaritaanada Baraha Kontorool ee wadooyinka qaar halka markii hore ay kali ku ahaayeen Ciidamada NISA oo kaliya.

Ciidamada Booliiska ayaa lagu wareejiyay dhamaan rugaha ciidan ee wadada Wadnaha waxaana laga qaaday Ciidankii Nabad sugidda Soomaaliya, Ciidamadii nabad sugida ee ku sugnaa wadada wadnaha ayaa qaarkood la xareeyay halka kuwa kalane la geeyay Wadooyinka warshadaha iyo sodonka.

Maamulka Gobalka Banaadir ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in isbadalkaan uu amaanka wax ka qabto isagoo dhinaca kale sheegay in wadooyinkii xirnaa la furay.