Uncategorized

Maamulka G.Banaadir oo walaac ka muujiyay xaalada dadka Barakacayaasha

Muqdisho-KNN-Mas’uulliyiin sare oo ka socday Maamulka Gobolka Banaadir ayaa deeq gaarsiiyey qaar kamid ah xeryaha dhaca duleedka Caasimadda oo ku nool yihiin boqolaal kamid ah bulshada nugul ee soo barakacay.

Goobaha deeqda la gaarsiiyey waxaa kamid ah xerooyinka ku yaalla degmada Kaxda iyo deegaanka Garasbaaleey, halkaas oo loogu qeybiyey agab ay uga gaashaantaan roobabka iyo qabowga dhacaya, maadaama lagu jiro xili roobaad.

Mas`uuliyiintaan ayaa yiri “Waxaan walaac ka muujineynaa xaaladdooda, iyagoo ku baaqeen in la sameeyo gurmad deg-deg ah oo wax loogu qabanayo”

Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada ee Maamulka Gobolka Banaadir Marwo Basmo Caamir Axmed ayaa sheegtay in barakacayaasha ku nool daafaha iyo Gudaha Caasimaddu u baahan yihiin jawaab deeqsinimo leh iyo gurmad wax ku ool ah oo ku soo aada waqtiga loo baahan yahay.

Marwo Basmo waxay ka codsatay dadka Soomaaliyeed iyo hay’adaha gargaarka ee caalamiga ah inay u soo gurmadaan barakacayaasha maadaama kuwo badan oo ayaga ka mid ah ay khatar ku jirto noloshooda, iyadoo raacisay inay dadkan ku qaadan doonto muddo fog si ay dib ugu kabsadaan haddii aysan helin gargaar.

Dadka barakacayaasha ah ayaa xaaladooda sii xumaatay kadib markii ay curteen Roobabka guga, oo aysan haysanin hoy ay ka galaan dhibacda iyo dhaxantaba.