Uncategorized

DHAGEYSO:-Maamulka G/Gedo oo markii ugu horeysay ka hadlay isku dhacyada ka jira Beladxaawo.

Beladxaawo-KNN-Ciidamada amaanka ee maamulka Jubbaland ee ku sugan degmada Beladxaawo ee gobalka Gedo ayaa kala eryay Shacab ka hor tagayay dhismaha Ciidamada Kenya ay ka wadaan Xadduuda Soomaaliya iyo Kenya.

Goob Joogayaal ayaa KNN u sheegay in Ciidamada ay shacabka ku amrayn in ay joojiyaan duugista ama aasidda God weyn ay Ciidamada Kenya ay ka qodeyn Beladxaawo iyo mandheere ee Soomaaliya iyo Kenya.

Farxiyo Aadan oo ka mid ah shacabka Beladxaawo ayaa uga warantay Idaacadda Kulmiye Xaaladda degmada Beladxaawo ee Gobalka Gedo iyo talaalabadii ay qaadeyn Ciidamada Jubbaland ee degmada Beladxaawo.

Dhankale Guddoomiyaha maamulka gobalka Gedo ee Jubbaland Maxamed Maxamuud Maxamed oo wareysi siiyay Idaacadda BBC-da Laanta afka Soomaaliga ayaa markii ugu horeysay ka hadlay isku dhacyada ka taagan Xadduudda u dhaxeysay Soomaaliya iyo Kenya ee degmada Beladxaawo

Guddoomiyaha ayaa sheegay in arintaan ay soo taagneed muddo dheer garabkii iyo kaalintii looga baahnaa Dowladda dhexane aysan muuqan, sidoo kale maamulka Jubbaland ayuu sheegay in aysan wali xal waara ka gaaran isku dhacyada ka taagan deegaanka.

Halkaan ka dhageyso Guddoomiyaha gobalka Gedo.