Uncategorized

Maamulka G.Hiiraan”Waxaan wadnaa dadaalo looga hortaga fatahaada Webiga Shabeelle”

Beladweyne-KNN-Maamulka gobolka Hiiraan ayaa bilaabay dadaalo ay ugu hortagayaan saameyn ka dhalankarta fatahaada Webiga Shabeele ee mara gobolka kaasi.

Mas`uuliyiinta maamulka gobolka ayaa shalay magaalada Beladweyne kulan kula qaatay mas`uuliyiin ka socday hay`adaha samafalka ee ka howlgalo magaaladaasi.

Kulanka ayaa xubnahaan waxay ugu wada hadleyn sidii looga hortagi lahaa fatahaada Webiga Shabeelle, oo hadda maraya heerkii ugu sareeyay  biyo badnaanta Webiga, iyadoona wali gobolka ay ka da`ayaan roobab.

Guddoomiyaha degmada Baladweyne Maxamed Cismaan Cabdi Qalaafow ayaa yiri ”kulankan waxaa lagu gorfeynayay sidii la iskaga kaashan laha caawinta dadka danyarta iyo ka hortaga fatahaada wabiga”.

Sidoo kale Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdulahi Axmed Maalin  ayaa dhankiisa sheegay ”maamulka iyo ha’yaddaha samafalka ay isku afgarteen in wada jir looga qeyb qaato sidii gurmad loo gaarsiin laha dadka dan yarta islamarkana looga hortagi laha fatahaada wabiga shabeelle”

Waxaana jira cabsi xoogan oo laga muujinayo fatahaad uu sameyo Webiga oo mara bartamaha magaalada Beladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.