Afgooye-KNN-Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose ee Dowlad Goboleedka Koofurgalbeed ayaa ka warbixiyay howgal ciidamada xooga ay ka sameeyeen Degmada Awdhiigle ee Gobolka Shabeelaha Hoose, howgalkaasi ayaa saraakiishii hogaamineysay waxa ay tilmaameyn in ay Bartilmaameysanayeen Xubno sare oo ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab ee ku sugan Gobolka Shabeelaha Hoose.
Gudoomiye ku xigeenka dhanka Maaliyadda Gobolka Shabeelaha Hoose ee Koofur-galbeed Cabdifitaax Xaaji Cabdulle oo la hadlay KNN ayaa sheegay in howlgalkaas ay ku soo qabteen Xubno Sare oo Al-shabaab ah kuwaas oo tiradooda uu ku sheegay inay yihiin Laba Horjooge, Cabdikariin Abu Xamsa Madaxii Maaliyadda Al-Shabaab u qaabilsanaa Gobolada Banaadir iyo Shabeelooyinka iyo Sarkaal kale oo magaciisa lagu soo koobay Sheekh Muudey kana tirsanaa Amniyaadka Al-Shabaab, wuxuuna Gudoomiyaha uu tilmaamay in arintaan ay tahay mid daciifin karta Awooda dagaalamayaasha Al-shabaab, wuxuuna balan qaaday in ay siiwadi doonaan howgalada nuucaan oo kala ah ee lagu Bartilmaameysanayo Xubnaha Sar sare ee Al-shabaab.
Cabdifitaax Xaaji Cabdulle ayaa sidoo kala tilmaamay in ay gacanta ku hayaan Xubanahaasi sare ee ka tirsan Al-shabaab, oo ay sheegeen in ay ku soo qabteen howgal ciidamada Xooga ay ka sameeyeen Degmada Awdhiigle ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Ma`ahan markii ugu horeysay oo maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose ee Koofurgalbeed ay sheegaan in ay dileen ama Gacanta ay ku hayaan Dagaalamayaasha ka tirsan Al-shabaab ee ku sugan Gobolkaasi.